TAGSIILE [TAXI].
NIN tagsiila ayaa waxa uu yidhi waxa aan sooqaaday gabadh iyo hooyadeed gabadhii ayaa hooyadeed usheegaysay dhibaatada uu kuhayo ninkeedu iyo inuu mararka qaar iska xanaaqaayo hooyadii gabadha dhashay ayaa kutidhi ninkaagu sida uu yahay kula dhaqan aniga iyo aabahaa 45sano ayaan isqabnaa nolashayaduna waa iska caadi wax kasta oow iwaydiiyaba waxa aan ugu jawaabaa wayahay xaaji aniga oo dareen siinaya inuu isagu ixukumo, Laakiin waxa aan sameeyaa waxa aan anigu rabo ma ogtahay ragu waa doqmo hal eray ood tidhaahdo ayay ku dagayaan.
Tagsiilihii waxa uu dhahay islaantii way iga xanaajisay dhiikarna way igu riday aniga oo cadhaysan ayaan eegay islaantii kadina waxa ay igu tidhi adiga kuma jirtid wiilkaygiiyow waxa tahy wiil aqlibadan fariidna ah ayaad tahy alla ha kudhawree aniga oo dhoola cadaynaya ayaan kasoojeestay mise waxa aan maqlay ayada oo cod hoose kule ma aragtaa hal eray ayuu ku qancee doqoniimadiisa😄.
inta uu gaadhigii joojay ayuu isla bartii ku dajiyay
0 Comments